Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta jeediyey khudbad uu ku sharaxay sababihii ka dambeeyey go’aankii dowladda Soomaaliya ku baabi’isay heshiisyadii ay la lahayd Dowladda Imaaraadka Carabta, kaasi oo si weyn loo hadal hayo, ayna ka falceliyeen dalal iyo ururo caalami ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankan uu ka dhashay markii la ogaaday in Imaaraadku ay sameysay go’aano iyo tallaabooyin ka hor imaanaya sharciga dalka, kuwaas oo saameyn taban ku yeeshay ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray inuu bogaadinayo dareenka waddaniyeed iyo wadajireed ee shacabka Soomaaliyeed muujiyeen, isagoo xusay in dowladda ay mas’uuliyad weyn iska saareyso ilaalinta wax kasta oo saameeya nolosha dadka, ayna ka hortagi doonto waxyaabaha khatar gelin kara midnimada dalka.
Madaxweynuhu wuxuu si faahfaahsan u sharaxay sababta ay dowladda Soomaaliya uga baxay heshiisyadii Imaaraadka Carabta, isagoo yiri: “Dawladda Imaaraadka Carabta , si niyad sami leh ayaan heshiisyada ula galnay, balse Imaaraadku noolama dhaqmin sidii dawlad mid ah oo madax bannaan, ma aanan deg degin marar badan ayaan ka dalbanay inay noola macaamilaan inaan nahay hal dal , ayna joojiyaan habka doc-faruurka ah ee ay albaabada kala duwan uga soo galayaan dalkeenna , iyagoo ku kacaya arrimo aysan dawladda federaalka ka war heyn , kana dhex fulinayaan Soomaaliya gudaheeda, kuwaasoo xad gudub ku ah haybadda iyo qaranimada Soomaaliya, ka baaran-dagis dheer iyo qiimeyn kadib waxaa qasab noqotay inan qaadano go’aammadii shalay aan qaadanay oo lagu baabi’iyay heshiisyadii aan la galnay dawladda Imaaraadka.”
Wuxuu hoosta ka xariiqay in ay mas’uuliyad buuxda iska saarayaan in shacabku helo madax-bannaani dhaqaale iyo mid siyaasadeed, iyagoo kalsooni ku qaba dalkooda qaniga ah iyo dowladdooda.
Khudbadda Madaxweynaha ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku adkaysanayso ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dalka, isla markaana muujinaysa in aysan ogolaan doonin faragelin kasta oo ka baxsan sharciga iyo heshiisyada dowladda federaalka.
HBN ONLINE TV

