War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in, kaddib qiimeyn taxaddar leh oo lagu sameeyay xaaladihii u dambeeyay, Golaha ay adeegsadeen awoodahooda dastuuriga ah si ay u burriyaan dhammaan heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ay galeen hay’adaha dowladda federaalka, hay’adaha la xiriira, iyo maamul-goboleedyada ka jira gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Go’aanka Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah u saameynaya wadashaqeyntii Imaaraadka Carabta ee dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, waxaana la caddeeyay in la baabi’iyay dhammaan heshiisyadii iyo iskaashigii ka jiray goobahaas, iyo sidoo kale heshiisyadii laba geesoodka ahaa ee dhinacyada amniga iyo difaaca ee u dhexeeyay labada dal. Golaha ayaa sheegay in go’aankan uu ku saleysan yahay warbixinno iyo caddaymo xooggan oo la xiriira tallaabooyin lagu waxyeelleynayo gobonnimada, midnimada qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa xusay in falalkaasi ay ka hor imaanayaan mabaadii’da gobonnimada, faragelin la’aanta, iyo ixtiraamka nidaamka dastuuriga ah, sida ku cad axdiyada caalamiga ah ee ay Soomaaliya xubinta ka tahay. Waxa kale oo ay tilmaameen in hindise sharciyeed lagu ilaalinayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed uu mamnuucayo in maamul-hoosaadyo ama hay’ado gaar loo leeyahay ay heshiisyo la galaan dalal shisheeye iyada oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka.
Go’aankan ayaa faraya Wasaaradda Arrimaha Dibadda in ay si rasmi ah ugu wargeliso Imaaraadka Carabta, isla markaana ay gaarsiiso saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa gobolka.
Tallaabadan ayaa loo arkaa isbeddel weyn oo ku yimid jihada siyaasadda dibadda ee Soomaaliya, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ay jirto u janjeerin lagu xoojinayo xiriirka Sacuudiga iyo Qatar, xilli la filayo booqasho uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagayo midkood dalalkaasi, halka Imaaraadkuna horey saameyn ugu lahaa qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka.