Maxaa kasoo baxay kulan Dooxa ku dhexmaray Soomaaliya iyo Qatar?

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qatar, Dr. Mohammed bin Abdulaziz bin Saleh Al-Khulaifi, ayaa maanta magaalada Dooxa kula kulmay masuuliyiin kasocday Soomaaliya, waxaana kulankooda ay kaga hadleen xaladaha xaalada siyaasadeed ee ka taagan Geeska Afrika, wadashaqeynta labada dal iyo xiriirka wada shaqeyn ee ka dhexeeya.

Kulanka dhexmaray Wasiirka Waxbashada Farah Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar oo dhinac ah iyo wasiir Al-khulaifi ayaa al sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya, iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada wadajirka ah ee labada dal.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee ka jira gobolka, iyo arrimo kale oo muhiim ah oo dan wadaag ah.

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa kulanka ku adkeeyay mowqifka joogtada ah ee Dowladda Qatar ee taageeraya madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaa kale carrabka uu ku adkeeyay taageerada buuxda ee Qatar ay siiso hay’adaha sharciyeysan ee Dowladda Soomaaliyeed, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa muujinaya xiriirka dhow iyo iskaashiga sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya Dowladda Qatar iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed