Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo xubno xukuumaddiisa ka tirsan kula hadlay Hargeysa ayaa waxaa uu si gaar ah hadalkiisa diirada ugu saaray xaaladdaha cusub ee istiraatijiyad, diblomaasiyadeed iyo amni ee maamulkiisa uu galay, kaddib Aqoonsigii ay Israa’iil sii sanadkii hore 2025
Cirro wuxuu sheegay in isbeddellada cusub ee istiraatijiyadeed, diblomaasiyadeed iyo amni ee Somaliland ku soo wajahan ay u baahan yihiin hay’ado dawli ah oo la jaan-qaadi kara marxaladdaha cusub, isla markaana leh karti shaqo, isla-xisaabtan, daahfurnaan iyo hufnaan maamul.
Madaxweyne Cirro ayaa Agaasimeyaasha Guud ee hay’adaha kala duwan ku adkeeyey in la xoojiyo tayada maamulka, la dardar-geliyo hawlaha hay’adaha, lana hormariyo u adeegidda muwaadiniinta, isaga oo carrabka ku adkeeyey in horumarka lagu cabbiro bisayl maamul, isla markaana laga fogaado eex iyo musuq-maasuq.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay falcelinta Somaliland ee aqoonsiga ayaa fariin u diray beesha caalamka, saaxiibbada Somaliland iyo cid kasta oo uu ku tilmaamay inay ka soo horjeedaan.
“Fariinta aan u dirayo dunida, saaxiibbada Somaliland iyo iminka cadowgeeda-ba waa mid taariikhdu marag ka tahay; shacbiga Somaliland qalin iyo qori labadaba way u hureen difaaca sharaftooda iyo jiritaankooda,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, Cirro ayaa dhaliilay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in shacabka Somaliland ay si madax-bannaan u dhiseen amnigooda iyo nabaddooda.
“Somaliland waa shacab dadaalay oo wax soo dhistay, nabaddana gacmahooda ku sameystay; cid kale uma samayn. Geedo hoostood ayay ku shireen, halka Soomaaliya marar badan shirar dib-u-heshiisiin ah loogu qabtay meelo ka baxsan dalkooda,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Hadalkan ayaa imanaya xilli Somaliland ay sii waddo dadaallada ay ku doonayso aqoonsi caalami ah, isla markaana ay wajahayso caqabado diblomaasiyadeed oo is-daba joog ah.
HBN ONLINE TV

