Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay heshay xog muujinaysa in Israa’iil ay qorshaynayso inay si khasab ah u barakiciso Falastiiniyiinta, una wareejiso Somaliland. Wuxuu tallaabadan ku tilmaamay xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida dalka.
Isagoo wareysi siinayay Telefishinka Al Jazeera wasiir Fiqi wuxuu ugu baaqay Israa’iil inay ka laabato aqoonsiga ay siisay waxa uu ku tilmaamay “gobol gooni-u-goosad ah”, isagoo carrabka ku adkeeyay in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uusan haysan wax sharci ama xaq ah oo uu ku siin karo sharciyad ama aqoonsi nidaam ka mid ah dowlad madax-bannaan.
Intii uu ku jiray wareysiga Al Jazeera, wasiirku wuxuu sharaxay in tallaabada Israa’iil ay tahay weerar toos ah oo lagu hayo midnnimada dhulka Soomaaliya, isagoo xusay in Israa’iil ay ka faa’iideysanayso sida Fiqi hadalka u dhigay hoggaamiyeyaasha gooni-u-goosadka ah, inkastoo qiyaastii kala bar deegaanadii loo yaqaannay Somaliland ay labadii sano ee la soo dhaafay ku dhawaaqeen ku biiristooda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Fiqi wuxuu sidoo kale sheegay in Israa’iil ay doonayso inay saldhig ciidan ka samaysato gobolkaas sababo la xiriira muhiimadda istiraatiijiyadeed ee uu u leeyahay, maadaama uu ku dhow yahay marin-biyoodka Bab al-Mandab, Badda Cas iyo Badda Carabta, isagoo ka digay in arrintan looga gol leeyahay xasilooni-darro iyo kala-qaybin dalal badan.
Wuxuu adkeeyay in Soomaaliya ay adeegsan doonto dhammaan waddooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci si ay u diiddo waxa uu ku sifeeyay xadgudubka Israa’iil, isagoo tilmaamay in Midowga Afrika uu ka warqabo halista ay tusaalahan u keenaysa xasilloonida qaaradda.
Wasiirku wuxuu amaanay mowqifyada dalal Carbeed iyo kuwo goboleed oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Qatar, Masar iyo Turkiga, iyo sidoo kale Jaamacadda Carabta iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka, kuwaas oo taageeray midnimada Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay mowqifka maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku aaddan inaanu aqoonsan waxa loo yaqaan Somaliland oo wasiirku ku tilmaamay gobol Soomaaliya ka mid ah.
Xigasho: Al Jazeera Mubasher
HBN ONLINE TV

