20 qof oo dhimasho & dhaawac uu ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay Masar

Ugu yaraan 11 qof ayaa dhintay, halka 9 kalena ay ku dhaawacmeen shil gaari oo xalay ka dhacay gobolka Minya ee koonfurta Masar, maalmo uun kaddib shil kale oo la mid ah oo isla gobolkaas ka dhacay.

Sida ay sheegeen ilo rasmi ah, shilka ayaa ka dhashay isku dhac gaadiid oo ka dhacay waddada Saxaraha Bari, ka dib markii ay isku dhaceen gaari ay saarnaayeen shaqaale ka shaqeeya macdanta dhagaxaiyo gaari xamuul ah. Isku dhaca ayaa sababay dhimashada 11 qof iyo dhaawaca 9 kale.

Ciidamada ammaanka iyo gurmadka degdegga ah ayaa diray 11 gaari oo ambalaas ah si ay u qaadaan meydadka una soo badbaadiyaan dhaawacyada ku jiray burburka gaadiidka. Baaritaan hordhac ah ayaa muujiyay in 8 meyd ah loo qaaday isbitaalka Sadr Minya, halka 3 kale loo wareejiyay Isbitaal kale, si baaritaan loogu sameeyo loona geliyo gacanta dacwad-oogayaasha.

Sagaalka qof ee dhaawaca ah ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Sadr Minya, iyadoo mas’uuliyiinta gobolka Minya ay farreen in si degdeg ah loo bixiyo dhammaan daryeelka caafimaad ee loo baahan yahay, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha ambalaaska, taraafikada iyo kuwa kale ee khuseeya.

Dhowaan ayay ahayd markii Minya uu ka dhacay shil kale oo dhiig ku daatay, kaddib isku dhac gaari basaska yar ayr ah iyo gaari kale, shilkaasi oo sababay dhimashada 4 qof iyo dhaawaca 15 kale.

Dhanka kale, Golaha Wasiiradda Masar ayaa ansixiyay hindise qaanuun cusub oo taraafikada ah, kaas oo adkeynaya ganaaxyada dambiyada halista ah si loo yareeyo shilalka. Sida laga soo xigtay tirakoob rasmi ah, Masar waxaa sanad walba ku dhinta ku dhawaad 6,000 qof shilalka waddooyinka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed