Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, oo ka hadlay arrimo badan oo la xiriira xaaladdaha caalamka ayaa si adag uga falceliyey arrin uu ku tilmaamay mid halis ku ah Somaliland, kadib aqoonsigii Israa’iil. Fidan ayaa sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland uu yahay “nasiib-darro iyo musiibo weyn” oo ku dhici karta, gaar ahaan marka la eego in Somaliland ay tahay bulsho Muslim ah.
Isaga oo arrintaas ka hadlaya, ayuu yiri: “Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland inuu yahay musiibada ugu weyn ee ku dhici karta Somaliland. Maxaa ka nasiib-darro badan tan oo ku dhici karta bulsho Muslim ah ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa’iil ayaana ku aqoonsatay.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa intaa ku daray in aqoonsigaasi uusan ku saleysneyn dan Somaliland u gaar ah, balse uu yahay mid la xiriira dano siyaasadeed oo Israa’iil ka leedahay gobolka.
“Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo.” ayuu yiri Fiden.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jiraan doodo iyo hadal-heyn caalami ah oo ku saabsan xiriirka Somaliland la yeelan karto Israa’iil — waxaana arintaan Dowladda Soomaaliya ku sifeysay fowdo iyo carqalad cusub oo Geeska Afrika kusoo korortay. Waxay diiday in arimaha qaranimada dalka la faragaliyo.
HBN ONLINE TV

