Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Cabdulcaati iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres oo qadka taleefanka ku wadahadlay ayaa qeyb kamid ah wadahadalkooda diiradda ku saaray faragelinta Israa’il ay ku soo qaaday midnimada iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiir Cabdulcaati ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u caddeeyay in aqoonsiga uu ku ku tilmaamay mid sharci-darro ah ee Israa’iil u fidisay Somaliland uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegay in qorshaha Isra’il uu wiiqayo xeerarka sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isagoo arrintaan ku tilmaamay mid khatar ah oo horseedi karta qalqal ku yimaada nabadda iyo amniga gobol iyo caalamka oo dhan.
Wasiir Cabdulcaati ayaa adkeeyay taageerada buuxda ee Masar ay la garabtaagan tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed Soomaaliya.
Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Masar ku ammaanay doorka ay ka qaadaneyso taageeridda amniga iyo xasilloonida gobolka, xilli ay jiraan qalalaaso goboleed oo aad u adag. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay sida ay Masar uga go’an tahay mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay iyo dadaalkeeda joogtada ah ee lagu xoojinayo nabadda iyo amniga caalamka.
HBN ONLINE TV

