Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay inay hakisay dhammaan gargaarkii Washington ay siin-jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), kadib eedeyn la xiriirta in mas’uuliyiin Soomaaliyeed ay burburiyeen bakhaar gargaar oo ay maamusho Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kaas oo lagu maalgeliyay dhaqaale Mareykan ah, isla markaana ay la wareegeen 76 tan oo gargaar cunto ah oo loogu talagalay shacabka abaaruhu saameeyeen ee saboolka ah.
Bayaan ay soo saartay, Waaxdu waxay sheegtay in maamulka Donald Trump uu leeyahay “siyaasad aan loogu dulqaadan karin khasaarin, xatooyo iyo leexin gargaar naf-badbaadin ah, aysanna u dulqaadan karin” iyadoo intaas ku dartay in dhammaan barnaamijyadii socday ee gargaarka ahaa ee faa’iidada u lahaa DFS la hakiyay. Waxay sidoo kale sheegtay in dib u bilaabista gargaar kasta ay ku xirnaan doonto isla xisaabtan iyo tallaabooyin saxitaan ah oo ay qaaddo dowladda Soomaaliya.
Sida ay werisay wakaaladda wararka AP, sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay waddo dib-u-eegis barnaamij si loo go’aamiyo gargaarka si toos ah ama si dadban ugu faa’iidaya DFS, iyadoo qaar ka mid ah barnaamijyada la hakiyo, la weeciyo ama gebi ahaanba la joojin karo. Sarkaalkaasi wuxuu sheegay in Soomaaliya ay muddo dheer ahayd dal adag marka la eego kormeerka iyo isla xisaabtanka gargaarka Mareykanka.
AP ayaa sidoo kale soo xigatay isla sarkaalkaas, oo codsaday in magaciisa aan la shaacin, isagoo sheegay in hakinta gargaarku ay timid kaddib markii la burburiyay bakhaarkii WFP ee ku yaallay Dekedda Muqdisho, taasoo la sheegay in uu amray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo aan wax ogeysiis ah ama wadatashi ah lala samayn dalalka deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, oo uu Mareykanku ka mid yahay. Eedeymahan si madax-bannaan looma xaqiijin karo.
Xiriir HBN Online TV la sameeyay Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee lala xiriiray si ay arrintan uga hadlaan waxay diideen inay si degdeg ah uga jawaabaan, iyagoo sheegay in bayaan rasmi ah la soo saari doono waqti dambe.
Mareykanka ayaa Soomaaliya siiyay qiyaastii 770 milyan oo doolar oo gargaar ah sanadkii ugu dambeeyay ee xukunka Madaxweyne Joe Biden, inkastoo qayb yar oo ka mid ah lacagtaas si toos ah u gaartay dowladda Soomaaliya.
Washington ayaa horay u hakisay dhammaan barnaamijyada gargaarka USAID oo saameeyay dalal dhowr ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
HBN ONLINE TV

