Xildhibaan Maxamed Abiib iyo Mukhtaar Xasan Maydhane ayaa si wadajir ah uga hor yimid tobanneeyo ruux oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka Somaliland ay ku xireen Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.
Waxa ay labada Xildhibaan sheegeen in sababta dadkaas loo xiray ay tahay in ay qaateen Calanka Falastiin halka Dadka Magaalada Hargaysa Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay u fasaxday Calanka Israa’iil.
Sharci darro iyo xadgudub ayay ku tilmaameen in Dadka Awdal loo xiro Calanka Falastiin oo kuwa Hargaysa loo ogolaado kan Yuhuudda, waxa ay dadka ugu baaqeen in ay ka dhiidhiyaan oo diidaan awood-sheegashad lagu samaynayo.
“In Qofkii Boorama ku qaata Calanka Falastiin la xiro, Qofkii Hargaysa ku qaatana Calanka Israa’iil loo fasaxo Diintee & Dastuurkee ayay ku jirtaa? Dadkayaga waxa aan leeyahay ka dhiidhiya oo diida, Cirroow shalay waxa aad seeriga u wadatay ayaa maanta anagane seeriga u qaadanaynaa, waxba yaa naloo soo dirin Madaxweyne ku xigeen oo isaga ayaa dulman” Ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane
Abiib & Maydhane ayaa sheegay in aanay amni darro ka jirin Gobolka Awdal balse Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ay abuurayso oo xirayso Dadka Rayidka ah si ay u kiciso dareenka Bulshada, waxa ay ku goodiyeen in ay hoggaaminayaan kacdoon ka dhan ah dadkaas xirxiran.
Waxa ay ku goodiyeen in ay raaci doonnaan dhabbaha ay raacday Sool oo hadda ah Dowlad-Goboleed ay aqoonsan tahay Dowladda Federaalka, Abiib iyo Maydhane ayaa Odoyaasha ugu baaqay in ay jiho wanaagsan u jeediyaan Mustaqbalka Reer Awdal.
HBN ONLINE TV

