Somaliland oo sheegay in albaabka aqoonsi siinta ay u garaaci doonaan cid kasta oo ka furta

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso cid kasta oo albaabka aqoonsiga u fura, iyada oo aan loo eegeyn waxa ay tahay, kaddib markiitoddobaad kasoo wareegtay markii ay sheegeen inay aqoonsi ka heleen Xukuumadda Israa’iil.

Madaxweyne ku xigeenka, oo socdaal ku tagay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa sheegay in Somaliland muddo 35 sano ah ku hawlaneyd raadinta aqoonsi caalami ah, isaga oo xusay in ay mar walba dalbanayeen in la aqoonsado.

Aw Cabdi ayaa sida uu yiri wuxuu tilmaamay in diinta iyo siyaasadda aanay wax xiriir ah lahayn, isaga oo si dadban uga jawaabayay hadallo ka soo yeeray Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in cid walba ay arrimaheeda u madax-bannaan tahay, isla markaana loo baahan yahay in dhinac walba ku ekaado halka uu joogo.

“Waxaan leenahay nin walba gurigiisa ha ku qaato, danihiisana ha raacdo. Somaliland aqoonsigeeda cidna kama baryeyso. Madaxweynuhu warqad ayuu u diray 139 dal oo uu ka codsanayo aqoonsi, waan sugaynaa, wayna imanayaan, waana soo dhaweynaynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa gobolka Awdal u tagay sidii uu ula kulmi lahaa bulshada, waxgaradka iyo ehelada dadkii ku dhintay dagaalladii ka dhacay gobolka, isaga oo sheegay in ujeedadu tahay dib u soo celinta amniga iyo nabadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed