Guddoomiyaha golaha ammaanka, ahna Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abubakar Dahir Osman, ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland ee Israel uu yahay isku day looga “mashquulinayo dunida dhaqamada naxariis darada ah ee ay ka geysanayso” Qasa iyo Daanta Galbeed.
Arrintan waxa uu ka sheegay intii lagu jiray shir jaraa’id oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, kadib markii Soomaaliya ay la wareegtay guddoominta wareegta ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee bishaan Janaayo 2026, taas oo ka timid Slovenia oo haysay guddoominta bishii Diseembar ee hore.
Wakiilka Soomaalidu waxa uu ku tilmaamay dhawaaqga Israel ee aqoonsiga Somaliland inuu yahay “fikrad waxyeello leh”. Waxa uu adkeeyay in Soomaaliiya aysan marnaba aqbali doonin “hammiga Israel ee ah in 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah laga barakiciyo Qasa loona soo guuriyo Somaliland.”
Israel ayaa marar badan isku dayday inay ku riixdo barakicinta muwaadiniinta Falastiin ee Qasa, balse dalalka Carabta, Islaamka iyo Galbeedka ayaa tallaabadan diida, iyaga oo ka digaya in la baabi’iyo arrinta Falastiin.
Dhawaantan, safiirka Soomaaliya ee Qaahira, ahna wakiilka Ururka Carabta Cali Cabdi Aware, ayaa sheegay in Soomaaliya “aysan ka qayb qaadan doonin dadaal kasta oo looga barakicinayo Falastiiniyiinta dhulkooda,” isagoo ka hadlay qorshe lagu barakicinayo Falastiiniyiinta loona guurinayo “Somaliland.” Jimcihi hore ee 26-kii bishii December 2025, Israel ayaa ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland.
HBN ONLINE TV

