Xildhibaano & wasiirro DFS ka soo gala deegaannada gobolada Waqooyi oo ka hor yimid go’aanka Somaliland lagu aqoonsaday.

Shir ay isugu yimaadeen Wasiirrada iyo Xildhibaannada labada gole ee dowladda Soomaaliya ee gobollada Sool, Sanaag, iyo Awdal, kuwaas oo ku midaysan ururka USP, ayaa si rasmi ah uga hadlay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo xaaladda siyaasadda gobolka.

Waxay si cad uga hor yimaadeen aqoonsigaas, iyaga oo adkeeyay muhiimadda midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, una arka talaabo kasta oo ay ku tilmaameen “gooni u goosasho” mid ka hor imaanaysa qaranimada iyo dastuurka dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayey ugu baaqeen inay xoojiso amniga iyo maamulka gobollada Waqooyi iyo Awdal, maadaama gobolladan ay leeyihiin muhiimad istiraatiiji ah, gaar ahaan marinka Baab al-Mandab iyo gacanka Cadmeed, oo muhiim u ah dhaqaalaha, nabadgelyada, iyo xasilloonida caalamka. Waxay carrabaabeen in sheegashada madaxbanaanida Somaliland “aanay sal iyo sharci lahayn” sida hadalka u dhigeen.

War-murtiyeedku wuxuu sidoo kale cambaareeyay sida ay ku doodeen “xasuuqii ka dhacay magaalada Laasacaanood” iyo falalka ka dhan ah dadka doonaya midnimada Soomaaliya, kuwaas oo ay tilmaameen inay la kulmayaan dil, caburin, xarig, iyo cadaadis — waxaa si gaar ah looga digay talaabo kasta oo Somaliland ay ka qaadi karto dadka midnimo doonka ah, culimada, iyo waxgaradka bulshada.

Masuuliyiintan shiray ayaa sheegay in iyaga oo “ka duuleyna xaqiiqada lama dhafaanka ah” ee maanta joogta in gobollada waqooyi oo ka kooban shan gobol (Awdal, Waqooyi-Galbeed, Togdheer, Sanaag iyo Sool) ay ka jiraan maamullo iyo xaalado kala duwan — halka Gobollada Sool, Sanaag, iyo koonfurta Togdheer (Buuhoodle) ay halgan dheer kadib dhisteen maamulka Waqooyi Bari oo ka tirsan Federaalka Soomaaliya.

Waxay carrabaabeen in Gobollada galbeedka gaar ahaan Awdal ay ka horyimaaddeen “caburinta iyo caadiska” ay ku eedeeyeen Somaliland inay xasuuq balaaran ka geystay sida hadalka u dhigeen magaalada Boorama, kana shaqeeyey isu dirka beelaha walaaha ah ee wada dega. “Waxaa halkaasi socda dhaqdhaqaaq midnimo doon ah oo diiddan gooni goosadka maamulka Hargeysa iyo ictiraaf ku sheegga Netanyahu” ayaa lagu yiri warka ay soo saareen.

Waxaa la sii raaciyey “sheegashada iyo damaca madaxbannaanida Somaliland iyo ictiraafku ma aha mid sal iyo dood sharci leh oo buuxin kara shuruudaha aasaasiga ah ee dal iyo dad mideysan, balse waa mid xaqiiqa ahaan ka turjumaya ka mid ahaanshaha dalweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka ay soo saareen ayey ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan difaaca midnimada, madaxbanaanida, iyo gobannimada dalka, iyadoo la xoojinayo la shaqeynta maamulada Waqooyi Bari iyo kuwa dhisi doona ee u taagan wadajirka ummadda iyo ilaalinta qaranimada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed