Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in aqoonsiga Somaliland “khatar ku yahay amniga qaran”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qaadi karto tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah haddii amniga qaranka la halis geliyo, kadib su’aal laga weydiiyay suuragalnimada adeegsiga awood ciidan oo ka dhan ah Somaliland.

Wareysi uu siiyay Al-Carabiya, ayuu madaxweynuhu ku adkeeyay “in Somaliland ay tahay gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya, kana mid ah 18-ka gobol ee dalka.”

Xasan Sheekh ayaa xusay in muddo ka badan 30 sano ay dowladaha Soomaaliya isku dayayeen dib-u-mideyn nabadeed oo ku saleysan wadahadal iyo dadaallo caalami ah, balse uu sheegay in hoggaanka Somaliland ay hadda ka gudbeen “xariiq cas” kadib waxa uu ku tilmaamay ku xadgudub sharciga caalamiga ah. Wuxuu si adag u diiday heshiis kasta oo uu sheegay inuu ka dhexeeyo Israel iyo Somaliland, isaga oo ku tilmaamay “mid sharci-darro ah” oo halis ku ah madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddooyinka Israel ay ka mid yihiin “helidda joogitaan ciidan oo u dhow Badda Cas iyo Gacanka Carabta, isku day lagu darayo Somaliland Heshiisyada Abraham, iyo fikrado ku saabsan raridda Falastiiniyiinta”—arrin uu si cad u diiday. Wuxuu xusay in rarid qasab ah oo dad aan lahayn xiriir taariikhi ah meel lagu geeyo ay tahay sharci-darro, isla markaana aysan marnaba shaqeyn doonin.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in aqoonsiga Israel uu siin karo fursad kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Alshabaab, si ay u kiciyaan taageero iyo qorasho cusub.

Inkasta oo dowladda federaalka ay weli doorbidayso wadahadal nabadeed, hadana madaxweynaha ayaa ku adkeystay in khatarta ay dhab tahay, isla markaana Soomaaliya ay ka go’an tahay difaaca amniga qaranka iyo midnimada dalka

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed