Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay 24-kii saac ee la soo dhaafay ay fuliyeen howlgal lagu beegsaday goobo ay maleeshiyaadka Alshabaab kaga sugnaayeen deegaanka Jabad-godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale.
Howlgalkan dhacay intii lagu jiray ayey ayaa la sheegay in lagu dilay 29 xubnood oo ay ku jireen Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad kooxda ah.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayey sheegtay Dowladdu, in Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ay si xiriir ah u wadeen howlgallo lagu bartilmaameedsaday baro ay Al-Shabaab kaga dhuumanayeen deegaannada Jabad-godane, Alanleey iyo Xawaadley, kuwaas oo lagu soo afjaray sida hadalka loo dhigay ilaa 135 xubnood.
Howlgalladaasi ayaa si cad u muujinaya sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya “burburka ku yimid abaabulka iyo qorshihii ay Alshabaab” ka maleegayeen deegaannada nabdoon ee dalka, iyadoo tallaabadani qeyb ka tahay dadaalka ballaaran ee lagu doonayo in gebi ahaanba looga sifeeyo waxay ugu yeerto argagixisada meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.
Ciidanka Qaranka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada noocan oo kale ah, iyagoo ugu baaqay bulshada inay la shaqeeyaan ciidanka, isla markaana ka warbixiyaan dhaq-dhaqaaq kasta oo shaki gelin kara nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka.
HBN ONLINE TV

