Xildhibaanada & Wasiirada kasoo jeeda deegannada Somaliland ee ku jira DFS oo soo saaray bayaan looga hadlayo xaaladda taagan

Mas’uuliyiinta siyaasadeed ee ka soo jeeda deegaannada Somaliland, kana tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si wadajir ah u caddeeyay mowqifkooda ku aaddan midnimada dalka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhashay aqoonsiga Somaliland ka heshay Israa’iil.

War saxaafadeedka soo baxay shir gaar ah oo ay ku yeesheen Muqdisho ayay ku sheegeen in ay si buuxda u aaminsan yihiin midnimada dadka Soomaaliyeed, iyagoo xusay in danta guud ee ummadda Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaanba, ay ku jirto wadajir iyo isku duubni, balse marnaba anaay soo hadal qaadin aqoonsiga Somaliland ka heshay xukuumadda Tel Aviv.

Mas’uuliyiintu waxay uga digeen labada dhinacba in hadallada ka soo kala baxaya ay sii kala fogeynayaan bulshada. waxay sheegeen in aanay gar ahayn sida hadalka u dhigeen in la dafiro taariikhda iyo sooyaalka siyaasadeed ee dadka Somaliland. waxay ugu baaqeen Somaliland in ay ku soo laabato miiska wadahadallada, si xal waara loogu helo khilaafaadka siyaasadeed ee jira, loona ilaaliyo wadajirka iyo danaha guud ee dadka Soomaaliyeed.

Xubnahan ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka baaqsato adeegsiga waxay ugu yeereen “tallaabooyin taabanaya dhaqaalaha, isu socodka iyo amniga dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Somaliland”, iyagoo carrabka ku adkeeyay in midnimo aan marnaba lagu keeni karin xoog iyo is maquunin.

Kadib aqoonsigii Somaliland ee jicmihii aan kasoo gudubnay lagu dhawaaqay waxaa golaha aqalka sare ee Soomaaliya iska casilay Senator Cusmaan Abuukar Dubbe, wuxuuna labadii xukuumad ee kala dambeeyey ka soo noqday xubin firfircoon.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed