Saddexda xisbi ee Somaliland, kulmiye, Waddani, iyo Ucid oo saaray war Saxaafi’s deed ay kaga hadleen arimaha siyasaadda ee taagan ayaa si wadajir ah u taageeray aqoonsiga Somaliland. Xisbiyadani waxay adkeeyeen in madax-bannaanida, iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ay xaq u siinayaan inay noqoto sida hadalka ay u dhigeen dal u qalma aqoonsi caalami ah oo buuxa, isla markaana ay si diirran u soo dhaweeyaan heshiiska diblomaasiyadeed ee ay la galeen Israa’iil.
Xisbiyaddu waxay ku xuseen warkooda in Somaliland ay ku dhisan tahay nabad, xasillooni, iyo nidaam dimuqraadi ah muddo ka badan 30 sano, iyadoo sheegay doorashooyin nabad lagu qabtay, dastuurka la dhowray, laguna kala wareego xukunka si nabad ah. Waxa kale oo ay tilmaameen in Somaliland ay si joogto ah ula shaqeysay sida sheegeen bulshada caalamka, dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo ka hortagga budhcad badeedka, taasoo ka qeyb qaadatay xasilloonida gobolka iyo caalamkaba.
Xisbiyadda ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay ilaashadaan midnimada, amniga, iyo horumarka, isla markaana ay ka foojignaadaan waxyaabaha keenaya kicin ama marin-habaabin.
Waxa kale oo ay bulshada caalamka ugu baaqeen inay raacaan sida hadalka loo dhigay tusaalaha Israa’iil oo aqoonsatay Somaliland, iyaga oo xoojinaya iskaashiga iyo wada-shaqeynta waafaqsan sharciga caalamiga ah.
HBN ONLINE TV

