Banaanbaxyo balaaran oo lagaga soo horjeedo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland oo ka dhacay magaalooyin kala duwan

Qeybo badan oo ka mid ah Koonfurta, Bartamaha iyo Waqooyi-bari ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo aqoonsiga ay Israa’iil u fidisay Somaliland. Banaanbaxyadan ayaa waxaa soo abaabulay dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamullada dalka, iyadoo ay si weyn uga qeyb qaateen dadweynaha.

Magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari Soomaaliya, ayaa ka mid ah goobaha ay ka dhaceen banaanbaxyo xooggan. Shacabka isugu soo baxay ayaa si cad u muujiyay diidmada faragelinta Israa’iil.

Mid ka mid ah waxgaradka magaalada Laascaanood oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri:“Dowladihii xalay fadhigii Qaramada Midoobay naga taageeray waan u mahadcelineynaa.”

Dhanka kale, Bartamaha dalka, gaar ahaan magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo (qeybta ay Galmudug maamusho), ayaa lagu qabtay isu-soo-baxyo lagu muujinayo taageerada midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. Dadka banaanbaxa sameeyay ayaa sheegay in aysan sinaba u taageersaneyn kala-go’ ama wax kasta oo lid ku ah midnimada dalka.

Sidoo kale, caasimadda Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbaxyo aad u waaweyn oo ay hore u sii qorsheysay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lagu qabtay garoonka ciyaaraha Muqdisho Stadium. Dadweynihii isugu soo baxay banaanbaxa ayaa si isku mid ah u muujiyay mowqifkooda ku aaddan diidmada faragelinta Israa’iil.

Dhanka kale, deegaannada Koonfur Galbeed ayaa banaanbaxyo la mid ah laga soo sheegay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ee Gobolka Bakool.

Banaanbaxyadan ayaa imanaya xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed oo la xiriirta arrimaha Israa’iil iyo mowqifka ay ka qaadatay Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalka ay marar badan ku celisay inay si adag u difaaceyso midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed