Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iclaamisay banaanbaxyo culus oo ka dhan ah aqoonsiga Israel siisay Somaliland, kuwaas oo lagu muujinayo diidmada shacabka iyo dowladda ee xadgudubka lagu sameeyay qaranimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Banaanbaxa ugu weyn ayaa la qorsheynayaa in uu berri oo Talaada ah ka dhaco garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, halkaas oo ay isugu imaan doonaan sida la sheegay shacabka caasimadda iyo madaxda dalka, si ay uga hor yimaadaan tallaabada ay qaadday Israa’iil oo lagu tilmaamay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo wadajirka Soomaaliya.
Tani ayaa daba socota banaanbax ballaaran oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb galeen dhalinyaro aad u tiro badan, laguna diidanaa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo warbaahinta si toos ah u tabinaysay.
Dadkii mudaharaadka dhigayay ayaa si cad u sheegay in aysan marnaba taageersanayn kala go’a dhulka Soomaaliya iyo faragelinta Israa’iil ee arrimaha gudaha ee dalka, iyagoo adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna kala go’i doonin.
Sidoo kale, mudaharaadayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen hal-ku-dhegyo muujinaya diidmo buuxda iyo taageero cad oo loo muujinayo midnimada Soomaaliya.
Banaanbaxyadan ayaa ku soo aadaya xilli ay si weyn u taagan tahay diidmada shacabka, dowladda iyo beesha caalamka ee ku aaddan aqoonsiga Israel ee Somaliland.
HBN Online TV

