Milatariga Israa’iil ayaa saxiixay qorshe ficil oo ku saabsan iskaashiga saddex-geesoodka ah ee militari ee u dhexeeya Israa’iil, Giriigga iyo Qubrus sanadka 2026, tallaabo cusub oo loo qaaday xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya saddexda dhinac, sida uu sheegay wargeyska Jerusalem Post.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in saxiixu uu ka dhacay toddobaadkii hore caasimadda Qubrus ee Nicosia, balse warka rasmi ah ayaa la shaaciyay Axadii. Wafdiga Israa’iil oo uu hoggaaminayay madaxa iskaashiga dibadda ee ciidamada Israa’iil, Jeneraal Amit Adler, ayaa kulamo la yeeshay dhiggiisa Giriigga iyo Qubrus si ay uga wada hadlaan habraacyada hirgelinta qorshaha.
Sida uu sheegay wargeysku, qorshaha iskaashiga militariga uu ka koobanyahay qabashada tababaro iyo dhoolatusyo wadajir ah, samaynta kooxo shaqo oo khaas ah oo ka shaqeeya dhowr arrimood oo militari iyo amni, iyo sidoo kale wadahadal istaraatiiji ah oo ku saabsan arrimaha wadajirka ah si loo xoojiyo isku xirka hawlgalka iyo isdhaafsiga khibradaha ciidamada saddexda dal.
Saxiixa qorshahaan wuxuu astaan u yahay tallaabo kale oo lagu sii qoto dheerinayo iskaashiga militari ee Israa’iil, Giriigga iyo Qubrus, wuxuuna gacan ka geysanayaa xoojinta sida hadalka loo yiri xasilloonida iyo amniga gobolka Bari ee Badda Mediterranean-ka.
Hortagga Dhaqdhaqaaqyada Turkiga
Dhinac kale, ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Jerusalem Post in qorshahaan iskaashigu uu qeyb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu doonayo in looga hortago awoodda militari iyo istaraatiijiyada Turkiga ee Bari Mediterranean-ka.
Shabakada wararka-ka Giriigga ee lagu magacaabo “Tanya” ayaa sheegtay in saddexda Israa’iil, Giriiiga & Qubrus ay ka wada hadleen fikradda dhisidda ciidan jawaab celin degdeg ah oo ka kooban qiyaastii 2,500 askari, kuwaas oo 1,000 ka mid ah ka imaanaya Israa’iil iyo Giriigga, halka 500 kalena ay ka imaanayaan Qubrus.
Warbixinno hore ayaa tilmaamay in ciidankan uusan noqon doonin cutub joogto ah, balse uu noqon doono ciidan si degdeg ah loo hawlgelin karo xilliyada qalalaasaha, kana hawlgali karaan dhulka, badda ama hawada, si loogu wajaho xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca gobolka.
Wargeysku wuxuu soo xigtay ilo sheegaya in hindisahan ay si weyn uga qeyb qaadanayaan ciidamada cirka ee Israa’iil, ciidamada badda iyo waaxda xiriirka dibadda ee milatariga Israa’iil, iyada oo lagu koordineynayo marinno diblomaasiyadeed oo u dhexeeya saddexda dhinac.
Tilaabadan militari wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay socoto dhaqdhaqaaq siyaasadeed, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Giriigga Kyriakos Mitsotakis iyo Madaxweynaha Qubrus Nicos Christodoulides ay toddobaadkii hore booqdeen Israa’iil, halkaas oo ay kulan saddex geesood ah kula yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Intii lagu guda jiray shirkaas ayaa waxaa lagaga wada hadlay xaaladda gobolka iyo iskaashiga amni ee Bari Mediterranean-ka.
Xigasho: Jerusalem Post
HBN Online TV

