Banaanbax ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland oo ka socda Muqdisho

Banaanbax ballaaran oo ka dhan ah aqoonsiga Israel siisay Somaliland ayaa caawa ka bilowday magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb qaadanaya dhalinyaro aad u tiro badan, iyadoo warbaahinta si toos ah u tabinayso.

Dadka mudaharaadka dhigaya ayaa sheegay in aanay marnaba taageersanayn kala go’a dhulka Soomaaliya iyo faragelinta Israa’iil ee arrimaha gudaha ee dalka. Waxay si cad u adkeeyeen in shacabka Soomaaliyeed aysan marna kala go’i doonin.

Sidoo kale, mudaharaadayaasha ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhegyo muujinaya diidmo buuxda iyo taageero midnimada Soomaaliya.

Banaanbaxan ayaa ku soo aadaya xilli ay si weyn u taagan tahay diidmada shacabka ee ku aaddan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed