Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay saacadihii la soo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen deegaanka Jabad Godane oo hoostaga degmada Xawaadley ee gobolka Shabeelle Dhexe, kaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab.
Howlgalkan oo la fuliyey 21-kii bishaan ayaa lagu dilay ku dhawaad 15 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal lagu eedeeyay dhibaateynta shacabka iyo abaabulka falal amni-darro.
Sida ay Wasaaraddu sheegtay, dadka lagu dilay howlgalka waxaa ka mid ahaa xubin lagu soo kooban magaciiisa Jacfar Aadan oo ahaa horjoogihii kooxda ee deegaanka Jabad Godane, Cabdirisaaq Cali, oo u qaabilsanaa daweynta maleeshiyaadka iyo xubin kale oo lagu soo koobay Daa’uud ahaana horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanayay deegaanka.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaantay in howlgalka uu si weyn u wiiqay awoodda Alshabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka iyo saadka.
Sidoo kale, waxay xustay in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ku ciribtirayaan khatarta waxay ugu yeertay argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha guud ahaan dalka.
HBN Online TV

