Waa kuwee qodobadii ugu cuslaa ee ka soo baxay Shirweynihii mucaaradka ee Jubbaland?

Isbahaysiga hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya ku xadgudubka dastuurka, fashil dhinaca maamulka, iyo ka tanaasulidda dagaalka lagula jiro Alshabaab, iyaga oo ka digay in haddii xaaladahan aan la xallin, dalka uu wajahayo sida ay hadalka u dhigeen burbur siyaasadeed, amni darro iyo hoos-u-dhac dhaqaale.

War-murtiyeedka laga soo saaray Shirweynaha Aayo-Ka-Tashiga ee Kismaayo, oo socday saddex maalmood, ayaa lagu sheegay in dastuurka la beddelay iyo hay’adihii awood qeybsiga la wiiqay, taas oo ka dhalan karto sida ay ku doodeen halis siyaasadeed iyo kalsooni darro ku timaadda nidaamka dowliga ah.

Shirku wuxuu si cad u diiday wax kasta oo muddo-kororsi ah, isagoo xusay in muddo-xileedka Baarlamaanka uu ku egyahay 14 April 2026, halka kan Madaxweynaha uu ku egyahay 15 May 2026.

Madaxda mucaaradka ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu bil gudaheed isugu yeero dhammaan saamileyda siyaasadeed si loogu heshiiyo doorasho hufan oo waqtigeeda ku dhacda, kana horumarsan tii 2022, iyagoo ka digay qalalaase amni iyo halista sii kordheysa ee Alshabaab iyo Daacish haddii baaqan la iska indho tiro, oo ku eg ilaa 20-ka Janaayo.

Shirku wuxuu dhaleeceeyay doorashada ka socota Gobolka Banaadir oo lagu tilmaamay mid aan heshiis lagu ahayn. Ugu dambeyntii, shir-guddoonka ayaa farriin u diray beesha caalamka, iyagoo ka codsaday in la sii wado taageerada qabsoomidda doorasho la isla oggol yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed