Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya (KGS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uusan ka qayb-galayn Koobka dowlad-goboleedyada dalka, kaas oo dowladda federaalku qorshaynayso in la qabto sannadka cusub. KGS ayaa sababta go’aankan ku sheegtay tabashooyin la xiriira dhibaatooyin hore oo loo geystay ciyaartoydeeda, kuwaas oo aan weli wax xal ah laga gaarin.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubadda Cagta Koonfur-galbeed ayaa war ay soo saareen ku caddeeyay in aan wax wadahadal ah laga yeelan tabashooyinkii iyo dhibaatooyinkii loo geystay ciyaartoyda KGS, isla markaana aan wax garawshiyo ah laga bixin. Taasi ayay sheegeen inay sababtay in xulka Koonfur-galbeed uusan ka qayb-galin tartanka.
Arrintan ayaa muujinaysa khilaafaad cusub oo saameyn taban ku yeelan kara tartamada ciyaaraha dowlad-goboleedyada Soomaaliya. Inkasta oo sanadihii hore ay jireen muranno kooban, haddana Puntland ayaa horeyba uga maqneyd tartankan sababo siyaasadeed awgood.
Khilaafka hadda soo ifbaxay ayaa kusoo aadaya xilli xiriirrada ciyaaraha ee qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay muujinayeen tabashooyin la xiriira dhaqaale iyo hab-maamul, taas oo walaac ka dhalisay mustaqbalka tartamada isboorti ee heer dowlad-goboleed.
HBN Online TV

