Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay waqtiga la bilaabayo qodista shidaalka

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in qodista shidaalka cayriin ee Somaliland ay si rasmi ah u bilaabmi doonto sannadka 2027, iyadoo suuragal ah in hawshaasi ay horay u bilaabato sannadka 2026 haddii dadaallada la dardargeliyo. Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasibadda Carwada Macdanta Somaliland oo ka dhacday magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in shacabka Somaliland muddo dheer sugayeen bilowga soo saarista shidaalka, isla markaana ay haatan jirto rajo dhab ah oo ku aaddan in qodistu noqoto mid miro dhal ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay hodan ku tahay macdan iyo shidaal, isla markaana inta badan la ogyahay goobaha ay ku yaallaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyay maalgashadayaasha caalamiga ah in ay yimaadaan Somaliland, isagoo xusay in xukuumaddu diyaarisay sharciyo, kaabayaal iyo jawi amni oo fududeynaya maalgashiga khayraadka dabiiciga ah, si hufan oo waara.

Dhanka kale, baadhista shidaalka Somaliland ayaa socotay in ka badan toban sano, iyadoo ay ku hawlanaayeen shirkado ajnabi ah oo heshiisyo la galay xukuumadda, waxaana horay loo shaaciyay in la helay ceelal shidaal oo diyaarsan oo sugaya qodis rasmi ah.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed