Midowga Yurub oo ka digay in Ruushka la siiyo qayb ka mid ah dhulka Ukraine

Iyadoo wada-hadallada Maraykanka iyo Ukraine ay maanta oo Isniin ah ka socdaan magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, Midowga Yurub ayaa sheegay inuu wajahayo go’aanno aad u muhiim ah toddobaadkan oo ku saabsan maalgelinta Ukraine.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, KaJa Kallas, ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay ka hor kulanka wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ay ku yeelaan magaalada Brussels ee caasimada Belgium ahna xarunta Midowga Yurub waxay digniin ay bixisay ku tiri: “Haddii Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu helo gobolka Donbas ee bariga Ukraine, wuxuu raadin doonaa wax ka badan.”

Kallas, waxay sidoo kale adkaysay in dammaanadaha amniga Kyiv ay tahay inay ku jiraan ciidamo dhab ah iyo awood militari, sida ay werisay wakaalada wararka Reuters.
Kallas ayaa intaa ku dartay in Midowga Yurub uu Isniinta go’aamin doono cunaqabatayn cusub oo lagu soo rogo waxa loo yaqaan maraakiibta qarsoon ee Ruushka, kuwaasi oo si qarsoodi ah Ruushku ugu gudbiyo shixnadiisa gaar ahaan shidaalka la mamnuucay in la iibsado.

Hadalladan haweenayda ugu sarreysay arrimaha siyaasadda Midowga Yurub ayaa yimid xilli la filayo in Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu mar kale Berlin kula kulmo wakiillo Maraykan ah, oo ay hoggaaminayaan Steve Witkoff iyo Jared Kushner.

Kulankan ayaa daba socday wadahadallo shan saacadood qaatay oo ay la soo yeesheen madaxweynaha Ruushka, iyadoo Kyiv ay rajaynayso inay Washington ku qanciso xabbad-joojin aan ku xirnayn ka tanaasul dhuleed oo loo sameeyo Ruushka.
Ergeyga Maraykanka Steve Witkoff faahfaahin badan ma bixin, balse wuxuu bartiisa baraha bulshada ku sheegay in “horumar la taaban karo laga sameeyay wada-hadallo qoto dheer oo ku saabsan qorshe nabadeed oo ka kooban 20 qodob, barnaamijyo dhaqaale iyo arrimo kale.” Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in wada-hadalladu ahaayeen kuwo adag, gaar ahaan marka la eego dammaanadaha amniga iyo arrinta dhulka.

War kale oo arrimahan la xiriiran, Hungary ayaa si kulul u dhaleecaysay hoggaamiyeyaasha Yurub.

Wasiirka arrimaha dibadda Hungary, Peter Szijjártó ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Midogwa Yurub ay isku dayayaan inay Yurub ku jiidaan dagaal Ruushka lala galo, isla markaana ay carqaladaynayaan wada-hadallada nabadda.

Wuxuu ku adkaystay in Hungary ay “ka fogaan doonto dagaal kasta”, isagoo mar kale muujiyay mowqifka ra’iisul wasaare Viktor Orban, oo muddo dheer ka soo horjeeday siyaasadaha qaar ee Yurub ee ku wajahan Ruushka.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed