Turkiga oo faahfaahin ka bixiye wakhtiga uu bilaabayo qodista shidaalka xeebaha Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay qorsheynayso in sanadka 2026 si rasmi ah u billowdo qodista ceelasha shidaalka iyo gaaska ee ku jira xeebaha Soomaaliya, kadib markii sahanno badeed oo la sameeyay ay muujiyeen natiijooyin rajo leh. Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in sahankii badda ee Oruc Reis sameeyay uu dhamaaday, isla markaana xogtiisa rasmiga ah la shaacin doono Janaayo 2026.

Markabka cilmi-baarista Oruc Reis oo sanadkii hore loo soo diray Soomaaliya ayaa sameeyay sahan cabbirka (3D seismic) oo ka dhacay saddex aag oo midkiiba leeyahay 5,000 km². Mas’uuliyiinta Turkiga waxay aaminsan yihiin in xogta laga helay ay muujin karto keyd shidaal oo ballaaran. Bayraktar ayaa sheegay in qodista badda ay farsamo ahaan adag tahay maadaama ay ka dhaceyso biyo qoto dheer oo gaaraya 3,000 mitir, isla markaana loo baahan yahay maraakiib casri ah iyo ilaalin amni oo xooggan.

Turkiga waxa uu sidoo kale qorsheynayaa inuu qodista ka sameeyo dhulka Soomaaliya, balse waxaa jira caqabado waaweyn sida amniga iyo kaabeyaasha oo aan weli diyaarsanayn. Xukuumadda Ankara ayaa qorsheynaysa in ay dhisto waddooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee loo baahan yahay, si loo gaaro goobaha qodista. Ilo Soomaali ah ayaa sheegay in qandaraasyada dhismaha waddooyinka la bixin doono dhowaan.

Sida warbixino caalami ah muujinayaan, Soomaaliya waxaa la rumeysan yahay inay leedahay in ka badan 30 bilyan oo fuusto oo isugu jira shidaal iyo gaas, balse horumarinta kheyraadkan waxay u baahan tahay maalgashi aad u ballaaran oo qaadan kara ugu yaraan 3–5 sano. Khabiir tamarta ah ayaa sheegay in kaliya sahanka iyo qodista hordhaca ahi ay ku kacayaan ku dhawaad nus-bilyan doollar.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa aad u xoogaystay tan iyo 2011-kii, markii Turkigu bixiyay gargaar bini’aadanimo oo ka badan $1 bilyan oo gargaar ah. Maanta, Turkiga wuxuu Muqdisho ku leeyahay safaaraddiisa ugu weyn dunida, saldhig milatari oo weyn, iyo maamul joogto ah oo uu ku haysto dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho. Sidoo kale, Turkiga wuxuu tababaray kumannaan askari oo Soomaali ah, kuwaas oo kaalin weyn ku leh ciidamada dalka.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed