Soomaaliya oo ka qeyb noqotay shir lagu soo bandhiyo hubka culus ee dunida

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb-gashay furitaanka Bandhigga Afraad ee Difaaca Masar (EDEX 2025) oo maanta ka furmay magaalada Qaahira. Bandhiggan oo soconaya afar maalmood ayaa ka dhacaya Xarunta Carwada Caalamiga ah ee Masar (EIEC), waxaana si rasmi ah u daah-furay Madaxweyne Cabdel Fataax Al-Sisi.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Odawaa Yuusuf Raage ayaa goobjoog ka ha Bandhigga EDEX 2025 oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 100 dal iyo ku dhawaad 450 shirkadood oo ka tirsan hormuudka soo-saara tiknoolajiyadda iyo qalabka difaaca caalamka.

Waa bandhigga keliya ee daboola labada gobol ee Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaana lagu soo bandhigayaa qalab iyo tiknoolajiyad casri ah oo dhanka amniga iyo difaaca ah, iyada oo Soomaaliya ay goobjoog ka tahay.

Inta uu socdo bandhiggu, wafdiga Soomaaliyeed ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona madaxda ka qeyb galeysa, si loo xoojiyo iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dib-u-dhiska iyo horumarinta ciidamada qalabka sida. Labada dal ayaa horey u muujiyay in ay wada leeyihiin xiriir difaac oo sii xoogeysanaya.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Masar ay Soomaaliya u soo dirto ciidamo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo sugidda amniga deegaanada la xoreeyay. Labada dal ayaa sheegay inay ka go’an tahay adkeynta nabadgelyada gobolka, gaar ahaan ilaalinta Badweynta Hindiya iyo Badda Cas oo muhiim u ah isku socodka ganacsiga caalamiga ah.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed