Puntland oo laga diwaan-galiyey tiradii ugu badneyd ee qabta xanuunka HIV/AIDS-ka

Dadka la nool xanuunka HIV/AIDS ee ku sugan deegaanada Puntland ayaa wajahaya xaalado adag, kaddib markii ay hoos u dhacday taageeradii adeegyada caafimaad ee ay heli jireen, iyada oo sanadkan dadku gaareen tiro ka badan 680 ruux.

Masuuliyiinta Hay’adda la Dagaalanka AIDS-ka Puntland (PAC) ayaa sheegay in hoos u dhacaasi uu si gaar ah u saameeyay bukaanada ku nool magaalada Gaalkacyo oo tirada ugu badan laga diiwaangeliyey.

Intii lagu guda jiray munaasabad maalinta xuska AIDS-ka 1-da December sanad waliba ayaa Hay’adda PAC ku soo bandhigtay xogta caafimaad, waxayna ku faahfaahisay tirada xarumaha lagu baaro, dadka la baaray, dadka laga helay, kuwa daawada qaata, heerka wacyigelinta bulshada iyo qorsheyaasha cusub ee lagu yareynayo faafitaanka cudurka.

Hay’addu waxay caddeysay in taageeradii caalamiga ahayd ee lagu daryeeli jiray bukaanada HIV/AIDS-ka ay gabi ahaanba istaagtay, taas oo xaaladda ka dhigtay mid aad u liidata. Wuxuu sheegay haddii aan qorshayaal cad laga yeelan dhaqaalaha la waayey inay saameyn taban ku yeelan doono dadaaladii la soo waday sanado badan, sida yareynta fiditaanka, yareynta faquuqa & takoor ka dhanka ah dadka la nool HIV-ga.

Agaasimaha Hay’adda PAC, Cabdiqaadir Maxamed Burburshe, ayaa sheegay in magaalooyinka Puntland ee xanuunka sida rasmiga ah looga diiwaangeliyey ay kala yihiin: Gaalkacyo oo 225, Garowe 207, Boosaaso 176, Qardho 59 iyo Badhan oo laga diiwaangeliyey 12 ruux.

Wuxuu tilmaamay in cudurku weli yahay mid bulshada dhexdeeda ku jira, una baahan wacyigelin iyo adeeg caafimaad oo joogto ah.

Burburshe wuxuu ugu baaqay Puntland iyo hay’adaha caalamiga ah in dib loo soo celiyo taageeradii muhiimka u ahayd dadka la nool HIV/AIDS, si loo hubiyo in bukaanadu helaan daawada joogtada ah iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah badbaadadooda.
Wuxuu ku adkaystay in haddii aan gargaar degdeg ah la helin ay khatar ku jirto caafimaadka iyo nolosha boqolaal qof oo ku nool Puntland.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed