Gaalkacyo: Waxaa socda garmaqalka kiiskii argagaxa lahaa ee lagu dilay Saabiriin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Mudug ayaa maanta markii labaad u fariisatay dhageysiga kiiska naxdinta leh ee Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo maydkeedu muddo 10 maalmood ah ku jiray talaagad, ka dib markii si arxan darro ah loo dilay.

Fadhiga maanta, maxkamaddu waxay dhegeysanaysaa qareennada u doodaya eedaysanaha, kuwaas oo ku dooday in haweeneyda gabarta yar dishay ay dhibaato maskaxeed qabto, taas oo – sida ay sheegeen – sabab u noqotay falkii ay ku kacday. Dood ka duwan middaasi ayey soo bandhigtay qareenka dhinaca dacwadda, kaas oo ay ku adkaysatay in eedaysanuhu ay mas’uuliyad sharci ah lahayn oo aysan cudur-daar u noqon karin sida ay hadalka u dhigtay sheegashada waallida.

Dhanka kale, magaalada Gaalkacyo ayaa amnigeeda aad loo xoojiyey, iyadoo ciidamo badan la dhigay waddooyinka si looga hortago rabshado kale oo ka dhasha dareenka bulshada, ka dib markii maalmihii u dambeeyay ay halkaas ka dhaceen bannaanbaxyo kacsan oo looga soo horjeeday dilka Saabiriin.

Kiiskan ayaa weli si aad ah u xiisad gelinaya bulshada Soomaaliyeed, waxaana maxkamaddu ku wadaa inay sii waddo garmaqalka ilaa laga gaaro go’aan kama dambeys ah.

Isha ku haay Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed