Maxay tahay cabsida ay wajahaan Soomaalida Maraykanka kadib hanjabaabaddii Trump?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu si degdeg ah u joojinayo barnaamijka difaaca siinaya Soomaalida ee TPS, kuna nool gobolka Minnesota, taas oo qayb ka ah dadaallada maamulkiisa ee lagu xakameynayo muhaajiriinta. TPS oo la sameeyay 1990-kii ayaa ujeedkiisu ahaa in uu ka hortago in la masaafuriyo dadka ka soo cararay dagaal, musiibooyin ama xaalado kale oo halis ah.

Trump oo baraha bulshada ku qoray hadal ay ka muuqato naceyb iyo eedeyn ayaa sheegay in “kooxo Soomaali ah ay argaggax gelinayaan dadka Minnesota,” waa sida uu ku doodaye, isla markaana “lacago badan lagu khasaarinayo.” Waxa uu ku dhawaaqay in joojinta TPS ay dhaqan geli doonto si dhaqso ah, taas oo saamayn xooggan ku yeelan doonta kumannaan Soomaali ah oo ku tiirsan barnaamijkan.

Minnesota waa gobolka ugu dadka badan ee Soomaalida Mareykanka, kuwaas oo intooda badan ka cararay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, kuna helay gobolkaasi fursado dib-u-deggenaan, shaqo iyo adeegyo bulsho. Joojinta TPS ayaa ka dhigan in Soomaali badan oo muddo dheer Mareykanka joogay ay wajahaan halis masaafurin.

Go’aankan cusub ee Trump ayaa sare u sii qaaday walaaca iyo cabsi ay muujinayaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, iyadoo ururrada bulshada iyo xuquuqda muhaajiriinta ay ku baaqeen in tallaabadan dib loo eego, lana ilaaliyo dadka nugul ee ku tiirsan barnaamijkan ilaalinta ku meel gaarka ah.

Ila iyo 17 dal ayaa u qalma barnaamijkan, waxaase maamulka Trump uu ku dhawaaqay inuu ka joojinayo TPS dhowr dal oo ay ku jiraan Venezuela iyo Nicaragua.

Maamulka madaxweynihii ka horeeyay Trump ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa kordhiyay u qalmida Soomaalida ee barnaamijka oo uu gaarsiiyay ilaa 17-ka bisha Maarso, 2026.

Soomaalida Minnesota badankood waa muwaadiniin Maraykanka ah, waxaana jira oo kali ah 705 dad Soomaali ah oo haysta TPS, sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay adeegga cilmi-baarista baarlamanka ee dhinacna u janjeerin. Haddii la barbar dhigo, in ka badan 330,000 oo u dhashay Haiti oo haysta TPS iyo 170,000 oo ka soo jeeda El Salvador.

Abshir Cumar oo ah xeeldheere siyaasadeed oo isagana ay soo xiganayso Reuters, horayna u taageeray Trump doorashadii madaxweynanimo ee 2024 ayaa sheegay inuu filayo go’aanka in la horgeeyo maxkamad.

Waxa uu sheegay in go’aankaasi uu dhaawici karo xiriirka dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee muddada dheer ee Soomaaliya la leedahay oo Maraykanka u soo bandhigay Maarso, maamulid gaar ah oo hawadeeda iyo Dekedeheeda ah, ayna isla markaas muujisay danaynta iskaashiga shirkadaha Maraykanka si loo sahmiyo keydadkeeda shidaalka ee waaweyn.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed