Golaha Wasiirrada Waqooyi Bari oo yeeshay kulankoodii uggu horreeyay

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Abdikadir Ahmed Aw Ali, oo uu weheliyo ku xigeenkiisa-Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhigii ugu horreeyay ee Golaha Wasiirrada, kaasi oo lagu waxqabadka bar bilowga ee xukuumadda curdinka ah.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa: akhrinta iyo ansixinta xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada iyo soo gudbinta qorshaha waxqabadka 100-ka maalmood ee soo socda ee Wasaaradaha, iyadoo lagu salaynayo barnaamijka Xukuumadda.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada ku adkeeyey ilaalinta masuuliyadda iyo gudashada waajibaadka bulshada, islamarkaana waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka maamulka, wuxuuna xusay in cid kasta lagula xisaabtami doono masuuliyadeeda.

Shirka kaddib, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dib-u-dhiska, Jaamac Faarax Muuse, ayaa maray dhaarta dastuuriga ah ee xafiiska, waxaana lagu adkeeyey in howlaha maamulka doorkiisa ka qaato.

Muddo hadda laga joogo bil, Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Firdhiye ayaa magacaabay Golihiisa Wasiirrada cusub oo ka kooban 21 xubnood oo ay ku jiraan hal haweenay iyo xubno horey uga tirsanaa maamulka Puntland.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed