Faahfaaahino ka soo baxaya dil ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

Waxaaa caawa bartamaha Guriceel ee gobolka Galgaduud lagu ku toogtay nin lagu magcaabi jiray Deeq Cabdi Jaamac, xilli uu kasoo baxay Salaadda Maqrib.

Falkan wuxuu ka dhacay meel mashquul badan, waxaana goobta ka baxsatay ruuxii ka dambeeyey dhacdaasi, balse waxaa goor dhaweyd la xaqiijiyey in baaris degdeg ah kadib ay suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in goor dhow gacanta lagu soo dhigay ninkii dilka geystay, waxaana arrintaas xaqiijiyey Taliyaha Booliiska Guriceel Xasan Cusubow, oo sheegay in eedeysanuhu qirtay inuu toogtay marxuumka.

Baaritaanno dheeri ah ayaa socda, iyadoo maamulka degmada iyo ciidamada ammaanka ay wadaan dadaallo lagu caddeynayo cidda kale ee ku lug leh falka.Marxuumka dhinta ayaa la sheegay in uu ganacsade ka caan ah magaalada Guriceel.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed