Dawladda Ingiriiska ayaa ku wargelisay muwaadiniinteeda u safraya Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland, in looga baahan yahay inay qaataan dal-ku-galka elektaroonigga ah ee Soomaaliya si safarkoodu u suuragalo.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK ayaa lagu yiri “Waa inaad haysataa eVisa-ha aad ku gelayso Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto. eVisa la’aantii lagama yaabo in laguu ogolaado inaad halkaas tagto.”
Dadka si gaar ah ugu safraya Hargeysa ayaa sidoo kale laga doonayaa eVisa Soomaaliya, hase yeeshee tani kama dhigna in madaarka Hargeysa uu ka shaqeynayo eVisa Soomaaliya, sababtoo ah madaarada Somaliland waxay bixiyaan Visa u gaar ah oo ka duwan kan Soomaaliya.
Sidaas darteed, eVisa Soomaaliya ayaa ah dal-ku-galka sharciga ah ee laga rabo qof kasta oo u socda Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, UK waxay ku xasuusisay muwaadiniinteeda in Somaliland ay si iskeed ah kaga rabto lacag $60 ah marka ay kasoo degaan madaaradeeda, taas oo ah kharashka Visa-ga gaarka ah ee Somaliland.
HBN ONLINE TV

