Maamulka Puntland ayaa si cad u sheegay in aan deegaannadooda aan lagu soo geli karin dal-ku-galka elektaroonigga ah (E-Visa) ee ay dhowaan soo bandhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, iyadoo maamulka uu shaaciyay in fiisaha lagu bixin doono kaliya marka la yimaado garoomada diyaaradaha ee ku yaalla Puntland (On Arrival).
Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdullaahi Bile Nuur, oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay in go’aanka DFS ee ku saabsan E-Visa “uusan ka shaqaynayn” deegaannada Puntland, isla markaana maamulka uu si madax-bannaan u maamulayo nidaamka dal-ku-galka.
“Anaga ahaan dadka soo galaya Puntland waxay fiisaha ku qaadanayaan markay garoomada yimaadaan, waa nidaamkii hore ee On Arrival ah. Arrinta E-Visa-na wax jira maahan ee waa go’aan dusha laga saaray shacabka, waxaana kula talinaynaa Dowladda Federaalka in ay dib uga fiirsato go’aankaas,” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Bile.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli DFS ay dhawaan ku dhawaaqday hirgelinta nidaamka E-Visa oo loogu talagalay in lagu fududeeyo socdaalka muwaadiniinta iyo ajaanibta dalka imaanaya – halka si kale looga faa’iideysanayo arimaha ammaanka iyo dhaqdhaqaaqa kooxaha loogu xagjiriinta, balse maamulka Puntland uu sheegay in nidaamkaas aanu khusaynin garoomada iyo xuduudaha uu maamulo.
Waxaa xusid mudan in diyaaradaha Soomaaliya yimaada ay u hoggaansameen dhaqangelinta go’aanka E-Visa-ha Dawlada Soomaaliya soo rogtay iyadoo dhamaan garoomada dadka lagu waydiinayo dal ku galka taasi oo ka macno ah in dadka tagaya Hargeysa , Boosaso & Garoowe inay laba jeer lacag bixinayaan.
HBN ONLINE TV

