Howlgalka ka hortagga burcad-badeedda ee Midowga Yurub (EU NAVFOR) ayaa markab dagaal u soo diray xeebaha Soomaaliya, kadib markii koox burcad-badeed ah la sheegay inay isku dayeen weerar ka dhan ah maraakiibta ganacsiga ee ku sugan biyaha dalka, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah Arbacadii.
Kooxo hubeysan ayaa Isniintii weeraray markab ganacsi oo maraayay xeebta Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay kadib markii ay isku dayeen inay fuulaan markabka. Weerarkan ayaa lagu sheegay inuu yahay kiiskii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga diiwaangeliyo Soomaaliya tan iyo sanadkii 2024.
Weerarkan iyo dhacdooyin kale oo la mid ah ayaa walaac ka abuuray marinka muhiimka ah ee ganacsiga iyo shidaalka adduunka uu maro.
Sidoo kale, markab kalluumeysi oo calanka Seychelles (Siishalis) watey ayaa todobaadkan lagu soo waramay in uu la kulmay doon xawaare sare leh oo u soo dhowaatay, halka ilo amni oo badeed ay sheegeen in markab kalluumeysi oo Iran leeyahay ay afduubteen kooxo aan la garaneyn.
Shirkadda Ingiriiska ee maareynta halista badaha, Vanguard, ayaa sheegtay inay aad u suuragal tahay in markabka kalluumeysiga la afduubay loo adeegsanayo sidii “mothership” ama saldhig lagu fuliyo weerarro kale oo badeed.
Howlgalka badda ee Midowga Yurub ee ATALANTA, ayaa xaqiijiyay inay “ka war hayaan xaaladda isla markaana ay markab u direen aagga,” iyagoo diiday faahfaahin dheeraad ah sababo la xiriira arrimaha amniga.
Shirkadda kale ee amniga badda ee Ambrey ayaa sheegtay in “ay aad u suuragal tahay in koox burcad-badeed Soomaaliyeed ay hadda ku sugan yihiin badda, islamarkaana ay ka howlgalaan meel ka badan 300 mayl-badeed oo u jirta xeebaha Soomaaliya.”
“Markabkii ganacsi ee la weeraray wuxuu la mid yahay bartilmaameedyada iyo awoodda ay caanka ku ahaayeen burcad-badeedda Soomaaliyeed,” ayay raacisay shirkaddu.
Burcad-badeedda Soomaaliyeed oo muddo dheer ka howlgeli jiray Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya ayaa sanadihii u dambeeyay guud ahaan hawlahooda la joojiyay, balse dhacdadan ayaa dhalisay cabsi laga qabo in weerarradii hore ay dib u soo laabtaan.
HBN ONLINE TV

