Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta dhageysanaysa dacwadda racfaanka ee loo haysto saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay dilka hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kuwaas oo bishii hore lagu dilay deegaanka Qayib ee isla gobolka.
Eedeysanayaashan ayaa horey maxkamad darajo hoose ugu xukuntay 5 sano ilaa 3 sano oo xabsi ah, xukunkaas oo caro iyo muran xooggan dhaliyay, maadaama bulshada ay u aragtay in uu aad uga hooseeyo culayska dambiga la galay.
Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta dib u eegtay caddaymaha iyo habraacyadii kiiska, iyadoo dhinacyada dacwadda la siiyay fursad ay ku soo bandhigaan dooda iyo racfaankooda, halka goobta dhageysiga si weyn loo adkeeyay ammaanka.
Kiiskan oo ay si dhow ula socdaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Galgaduud, ayaa la filayaa in go’aankiisa kama dambaysta ah lagu dhawaaqo maalmaha soo socda marka la dhameeyo dhageysiga iyo qiimeynta caddaymaha cusub oo wajigeedii koowaad la soo xiray.
HBN ONLINE TV

