Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa si rasmi ah u sheegay in dowladda Itoobiya aysan lahayn wax door ah ama kaalin rasmi ah oo ay ku leedahay howlaha la xiriira ammaanka iyo ilaalinta Badda Cas.
Bayaan uu soo saaray Golaha ayaa lagu sheegay in nidaamyada ammaanka ee Badda Cas ay gaar u yihiin dalalka leh xeebaha iyo badda ku xeeran, sidaas darteedna Itoobiya — oo ah dal aan lahayn marin badeed — laga reebayo ka qaybgalka arrimahaas.
Go’aankan ayaa yimid xilli ay sare u kacayaan xiisadaha diblomaasiyadeed iyo tartanka siyaasadeed ee ku saabsan cidda maamuleysa ammaanka iyo marinada muhiimka ah ee Badda Cas.
Dowladda Itoobiya ayaa horay u sheegtay inay leedahay dano istaraatiiji ah oo ku saabsan helidda marin badeed, hase yeeshee dalalka deriska ah sida Masar iyo Sacuudi Carabiya ayaa si cad uga soo horjeestay, iyagoo ku adkeystay in dalalka leh xuduud badeed kaliya ay xaq u leeyihiin inay kaalin ka qaataan ammaanka iyo maamulka marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.
Bayaanka Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa noqday fariin diblomaasiyadeed oo cad, taas oo muujineysa in rabitaanka Itoobiya ee ku aaddan ka qaybgalka arrimaha Badda Cas aan laga aqbalin qaab-dhismeedka hadda ee ammaanka gobolka.
Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) waxaa xubno ka ah lix dal oo ku yaalla Gacanka Carabta: Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Qadar, Kuwayt, Baxrayn iyo Cummaan.
Itoobiya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay si xooggan u doonaysay inay hesho marin baddeed, iyadoo sanakdii 2024 soo damaacisay xeebaha Soomaaliya arrintaasi oo dhalisay khilaaf wayn oo ka dhex qarxay Muqdisho & Addis Ababa.
HBN ONLINE TV

