Iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay eedeymaha sheegaya in maamulka Puntland uu kaalin ku leeyahay dagaalka ka socda dalka Suudaan, ayaa arrintaas si adag waxaa u beeniyay Xildhibaan Saddaam Maxamuud Cabdi, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada Puntland.
Xildhibaanka ayaa sheegay in wararka la faafiyay ee ku saabsan in magaalada Boosaaso laga daabulo hub iyo dagaalyahanno u socda kooxaha ka dagaallamaya gudaha Suudaan, ay yihiin “been abuur iyo dacaayad siyaasadeed.”
“Puntland qeyb kama aha dagaalka Suudaan ka socda, saameynna kuma leh. Waa maamul ka mid ah dowladda federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Xildhibaan Saddaam oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.
Wuxuu intaas ku daray in Puntland muddo ku dhow hal sano ay ku jirto dagaal ka dhan ah kooxaha uu ku tilmaamay “argagixisada,” isla markaana ay taageero ciidan iyo mid tababarba ka hesho Imaaraadka Carabta — taageero uu ku sheegay mid la mid ah inay Imaaraadku siiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya oo ciidamo u tababareen.
Si kastaba, Xildhibaanku ma soo bandhigin caddeymo muujinaya sheegashadiisa ku aaddan xiriirka Imaaraadka iyo dowladda federaalka.
Warar hore oo ay qaar ka mid ah warbaahinta caalamka daabaceen ayaa sheegayay in ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo u badan waddanka Colombia, iyo hub loo wado kooxda RSF ee dagaalka ka wadda Suudaan lasii marsiiyo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Hase yeeshee, ma jiro ilo madax-bannaan oo xaqiijiyay sheegashadaas.
HBN ONLINE TV

