Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisu ay qorsheyneyso in muddo 24 bilood gudahood lagu dhammaystiro mashruuca weyn ee sifeynta shidaalka ceyriinka ee ka socda degmada Godey ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Abiy ayaa sheegay in Itoobiya ay leedahay kayd ballaaran oo saliid iyo gaas dabiici ah, taas oo ay xaqiijiyeen shirkado caalami ah oo baaritaanno sameeyay. Wuxuu tilmaamay in marka la hirgeliyo warshadda sifeynta shidaalka, ay dalka ka badbaadin doonto lacagta sarifka qalaad ee hadda lagu bixiyo shidaalka iyo gaaska dibadda laga keeno.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale xusay in Itoobiya ay kharash aad u badan ku bixiso shidaalka iyo bacriminta beeraha, balse haddii mashaariicdan gudaha lagu dhammaystiro ay suuragal noqon doonto in dalka uu dhaqaale badan kaydsado.
Abiy ayaa dhaliilay shirkadaha haysta shatiga qodista shidaalka iyo macdanta, isagoo ku eedeeyay in intooda badan aysan wax shaqo dhab ah qaban, balse ay noqdeen dilaaliin aan wax soo saar lahayn. Wuxuu intaas ku daray in dowladdu ay waddo dadaallo xooggan oo lagu hagaajinayo nidaamka khayraadka dabiiciga ah si looga gudbo caqabadaha jira.
HBN ONLINE TV

