Itoobiya oo qunsul Jeneraal ah u magacowday Puntland

Dowladda Itoobiya ayaa Major General Tagesse Lambamo Dimbore u magacowday inuu noqdo massulkeeda cusub ee qunsuliyaddeeda ku taalla magaalada Garoowe, xarunta maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qunsulka cusub, waxaana kulanka goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo mas’uuliyiin ka socday qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo diblomaasiyadda.

Deni ayaa soo dhaweeyay magacaabista Jeneraal Tagesse, isagoo sheegay in Puntland diyaar u tahay wadashaqeyn buuxda oo ay la yeeshaan Itoobiya. Dhankiisa, qunsulka cusub ayaa ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dhinac.

Itoobiya iyo Puntland ayaa horey u lahaa xiriir dhow iyo iskaashi, inkasta oo uu haatan jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyo maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya, halka ay Addis Ababa balanqaaday inay wax ka bedeli doonto siyaasadeeda dibadda ee Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed