Guddoonka gola shacabka oo digniin culus u diray Xildhibaannada aan xaadirin kulamadooda

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus u diray Xildhibaannada ka maqan fadhiyadooda ee aanay fasaxa ama cudur-daarka laga ahayn ee sababta u noqday mid markii labaad todobaad gudihiis Kooram la’aan u baaqdo fadhigooda.

Habdhowraha Golaha Shacabka Baarlamaanka Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa Xildhibaannadii koobnaa ee Xarunta tagay u aqriyay Magacyada Mudaneyaasha aan fasax u qaadan maqnaashiyadooda si loo ogaado.

Baarlamaanka oo todobaadkii saddex jeer ka kulma Maalmaha Sabtida, Isniinta & Arbacada waxa ay Usbuucaan uga dhigan tahay in labo maalin uu kooram la’aan u baaqday halka bartamihii todobaadkaan keliya uu kulmay.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa kol hore waxa uu Xildhibaannada isku baaqay in ay fadhiyada soo xaadiraan, Xildhibaankii dhegaha ka furaysta soo jeedintooda Magaciisa laga dhex sheegi doonno fadhiga si loo ogaado mudaneyaasha maqan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed