Muxuu ahaa doorkii Puntland ee heshiiska gobolka Sanaag oo madaxweyne Cirro ka hadlay?

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in shirkii nabadda ee Ceerigaabo uu si guul leh u soo dhammaaday, isagoo xusay in gogosha nabadda ay kaalin weyn ku lahaayeen masuuliyiin dhaqameed iyo maamulka Puntland, taas oo horseeday isfaham iyo wadajir cusub oo gobolka Sanaag ka hirgalay.

Madaxweyne Cirro ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo salaadiinta gobolka, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay door taariikhi ah ka qaateen xasilinta Sanaag

“Waxaan u mahadnaqayaa madaxweyne Saciid Deni iyo maamulka Puntland kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qaateen nabadeynta gobolka Sanaag,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in masuuliyadda xukuumaddiisu qaadatay ay ahayd in ciidamada hab-beeleed u abaabulnaa lagu daro ciidanka Somaliland, halka hubkoodii ay la wareegtay xukuumaddu, taas oo qeyb ka ah qorshaha nabadeynta gobolka Sanaag ee socday muddo 10 bilood ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Sool, gaar ahaan kuwa Laascaanood, inay ka mid noqdaan geeddi-socodka nabadda iyo aqoonsiga Somaliland oo uu sheegay inuu soo dhawaaday, isagoo tilmaamay in xukuumaddiisu u dirtay 193 warqadood hoggaamiyeyaasha caalamka si loo xoojiyo dadaalka Somaliland ugu jirto helitaanka aqoonsi rasmi ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed