Wasaaradda Duulista Hawada iyo Madaarada ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday inay tallaabo adag ka qaadi doonto diyaaradaha isticmaala hawadeeda haddii aysan u hoggaansamin shuruucda iyo nidaamyada duulimaadyada ee ay dejisay Somaliland.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ay soo baxayeen cabashooyin la xiriira dhibaatooyin ay la kulmaan rakaabka wata dhalashada iyo baasaboorrada wadamada Galbeedka sida (USA, Canada iyo dalalka Yurub) ee u safraya Somaliland.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in arrimaha duulimaadyada iyo adeegyada madaarada ay yihiin kuwo farsamo oo ku saleysan shuruuc caalami ah, isla markaana aan loo baahnayn in la siyaasadeyo ama lagu hadlo hadallo aan rasmi ahayn.
“Wasaaraddu iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay qaaday dhammaan tallaabooyinkii loo baahnaa. Diyaaradaha ka hawl-gala madaarada Somaliland ama kuwa isticmaala xuduud-hawadeedka Somaliland waa inay si buuxda u raacaan shuruucda duulimaadyada iyo socdaalka ee Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay digniin u dirtay cid kasta oo aan u hoggaansamin nidaamka, iyadoo sheegtay in laga mamnuuci doono isticmaalka madaarada iyo hawada sare ee Somaliland.
“Cid kasta oo aan u hoggaansamin waxaa laga lumin doonaa oggolaanshaha isticmaalka madaarada iyo hawada sare ee Somaliland.” ayaa lgu yiri warka wasaaradda.
War-saxaafadeedka ayaa si dadban eedeyn ugu jeediyay cidii hore ugu wareejisay maamulka hawada dowladda Soomaaliya, taas oo ay Somaliland ku tilmaantay in aan lagala tashan, isla markaana keentay ismaandhaafyo saameeyay duulimaadyada iyo rakaabka u kala goosha gudaha iyo dibadda.
Dadka cabashada soo gudbiyay ayaa sheegay in diyaaradaha ay raacayeen ku amreen inay soo jartaan warqadda E-visa ee dowladda Soomaaliya ku soo rogtay dadka aan wadan baasaboorka Soomaaliya, taas oo lagu dalaco lacag, xitaa haddii ay iyagoo Soomaali ah wataan baasaboorrada dalal shisheeye.
Waxaa xusid mudan in sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah ee duulimaadka dunida in hawada guuda ahaan Soomaaliya ay maamusho hay’adda duuliska hawada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, taasi oo calaamad su’aal galin karta tilaabada Somaliland xilligan ka qaadi karto arrimahan iyo awoodda ay ku fulin karto go’aamo ka dhan diyaaradaha gooshaya hawada Soomaaliya oo Somaliland ka mid tahay sida qawaaniinta caalamiga ah ay dhigayaan.
HBN ONLINE TV