Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqday xukunka rag lagu eedeeyay dilkii naxdinta lahaa ee hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, falkaas oo horey uga dhacay degaanno hoos taga maamulka Galmudug. Xukunka ayaa dhaliyay caro xooggan iyo muran ku saabsan habraaca garsoorka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka, Xasan Cabdulahi Cali oo xukunka riday ayaa sheegay in maxkamaddu ay ku waysay eedeysanayaasha dembiga dilka ah, balse ugu dambeyntii ay ku xukuntay seddexda eedeysane xabsi shan sano ah halka midkood 3 sano laga dhigay, kaddib dhageysi dacwad socotay dhowr jeer.
Xukunkaan wuxuu soo baxay kadib markii ay soo bexeen in hoolka maxkamadda oo ay ka socotay dhagaysiga fadhigii 3-aad uu isu beddelay buuq iyo jahwareer, ayna ehellada dhibanayaasha ay caro xooggan ka muujiyeen xukunka iyo qaabka loo maamulayay dacwadda, kana bexeen hoolka.
Sidoo kale, Xaaladda ayaa kasii dartay markii la sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay gudaha u galeen maxkamadda, taas oo keentay fowdo iyo hakad ku yimid habsami u socodkii garmaqalka, balse masuuliyiinta Maxkamadda ma sheegin in wax dhib ah dhacay.
Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko), ayaa beeniyay warar sheegayay in maxkamaddu amartay in mag la siiyo ehellada hooyada iyo carruurteeda, isagoo sheegay in arrintaasi aanay sal iyo raad toona lahayn.
Xukunka Maxkamadda oo si aad ah isha loogu hayey maalmihii la soo dhaafay ayaa laga sugayey waxay ku gabagabeyso Maxkamadda gobolka, maadama kiiska dilka ee Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo seddex gabdhood oo ay dhashay oo lagu kala magacaabi jiray Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’iso Axmed Maxamuud uu noqday mid si weyn caro uga abuuray gobolka Galgaduud.
HBN ONLINE TV