Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa maanta ku guulaysatay inay soo xusho sagaal xubnood oo Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), kaddib markii ay doorashadoodu ka dhacday xarunta Villa-Hargeysa ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Doorashadan ayaa timid kadib markii dalka Soomaaliya si rasmi ah ugu biiray ururka Bariga Afrika. Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod gacan taag ah ku doortay xubnahan, kuwaas oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo lagu saleeyay nidaamka awood-qaybsiga 4.5 ee dalka.
Xubnahan ayaa ka kooban siyaasiyiin, diblomaasiyiin iyo aqoonyahanno, waxaana lagu tilmaamay in ay yihiin dad leh khibrad iyo aqoon sare oo ku habboon matalaadda dalka ee heer goboleed. Xildhibaanada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka EAC ayaa muddo xileedkoodu noqon doonaa 2022–2027.
Xubnaha la magaacabay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Xuseen Xasan Maxamed, Fadumo Cabdullaahi, Sahra Cali Xasan, Cabdisalaam Hadliye, Fahma Axmed Nuur, Abuukar Mardaadi, Feysal Cabdi Rooble, Ilhaan Cali Garas, iyo Cabdiraxmaan Bashiir Shariif.
DFS ayaa sheegtay in magacaabista xubnahan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo doorka Soomaaliya ee ka mid noqoshada ururka Bariga Afrika, isla markaana ay fursad siinayso dalka inuu ka faa’iideysto iskaashiga dhaqaale, ganacsi, iyo horumarineed ee gobolka.
Ururka EAC ayaa hadda ka kooban siddeed dal oo Bariga Afrika ah, waxaana Soomaaliya ay noqotay xubintii ugu dambeysay ee ku biirta, iyadoo dadaalladan ay qayb ka yihiin qorshaha dowladda ee ah in Soomaaliya ay si buuxda uga mid noqoto isdhexgalka dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka.
HBN ONLINE TV