Ugu yaraan seddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, seddex kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii qarax ka dhacay suuqa xaafadda Buundaweyn ee magaalada Beledweyne.
Dad goobjoog ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa nooca dhulka lagu aaso, isla markaana dhacay xilli suuqa ay ku sugnaayeen dad badan. Sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Beledweyne, Cumar Cismaan Calasow, qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow makhaayad ku taal suuqa.
Guddoomiyaha ayaa dusha ka saaray eed ururka Alshabaab, balse wararku waxay sheegayaan in aan weli la soo qabin cid ka dambeysay qaraxa.
Ciidamada ammaanka ayaa goobta ka wada baaritaanno iyo dadaallo lagu xakameynayo amniga suuqa si looga hortago qaraxyo kale oo noocan oo kale ah.
Isha ku haay HBN ONLINE TV