Dowladda Soomaaliya oo dib u furtay Waddooyin Xasaasi ah oo u xirnaa sababo Amni

Dowladda Federalka Soomaaliya DFS ayaa maanta dib u furtay saddex waddo oo muhiim ah oo muddo xirnaa sababo amni dartood, tallaabadanina waxay qayb ka tahay qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee lagu fududeynayo isu-socodka bulshada iyo gaadiidka caasimadda.

Waddooyinka dib loo furay ayaa kala ah: Waddada ka baxda Barta Hubinta Garoonka Aadan Cadde ee KM4 una gudubta Tiitiinley aag aad u xasaasi ah, lagana ilaaliyo amniga garoonka Muqdisho, Waddada Buundada Waaberi iyo Waddada Beexaani oo isku xirta Isgoyska Sanca iyo Stadium Injineer Yariisow.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale. Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintani ay qayb ka tahay mashruuc ballaaran oo lagu qorsheeyay in la furo wajiga hore 52 waddo oo muhiim ah, si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa iyo isku socodka bulshada.

Sidoo kale, Bulshada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeysay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid kor u qaadaysa isu-socodka, amniga iyo ganacsiga. Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu sii wadi doono iskaashiga hay’adaha amniga iyo bulshada si loo hubiyo in caasimaddu noqoto meel ammaan ah oo xorriyad lagu noolaado.

Horaantii bishan October, DFS ayaa furtay waddooyin xirnaa muddo ku dhow toban sano, halka isla maalintasi 4-tii bisha uu dhacay weerarkii Alshabaab ee xabsiga dhexe ee Godka Jilicow. Arrintaas ayaa dhalisay dood ku saabsan waqtiga ku habboon ee waddooyinka la furayo, inkastoo dad badan ay soo dhaweeyeen tallaabadan dhiirrigelinta ah.

Tani waxay qeyb ka tahay qorshaha DFS iyo maamulka gobolka Banaadir ee lagu doonayo in la furo in ka badan 100 waddo oo halbowle u ah isu-socodka Muqdisho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed