Puntland oo guulo hor leh ka sheegatay dagaalka ka socda Buuraha Calmiskaad, xilli ay soo bandhigtay xubin sare oo ajnabi ah

Ciidamada Difaaca maamulka Puntland ayaa shaaciyay inay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka ka socda Buuraha Calmiskaad, kadib howlgal culus oo maanta ka billowday mar kale deegaanka Ceelka Il-Abal ee gobolka Bari.

Taliska Howlgalka maamulka ayaa sheegay in ciidamada ay khaarajiyeen xubno ka tirsan kooxda Daacish, halka kuwo kalena ay ku daba jiraan.

“Ciidanku waxay ku jebiyeen firxadka argagixisada Daacish Howlgalkii maanta ee ka dhacay Il-Abal waxaa lagu dilay xubno argagixiso ah, halka kuwo kale lagu dabo jiro,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska howlgalka Puntland, oo lagu baahiyay barta rasmiga ah ee ciidamada.

Dhanka kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah xubnaha ajnabiga ah ee kooxda Daacish, xilli ay ku daba jireen labo kale oo la socday.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalka uu hadda marayo meel wanaagsan, iyadoo qaar kamid ah xubnaha Daacish ay isa soo dhiibeen, halka kuwa kalena lagu hareeraysan yahay godad ku yaalla buuraha Calmiskaad.

Maamulka Puntland ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay kordhiyay dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha loogu yeero argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya buuraha gobolka Bari, iyadoo ciidamada difaaca ay wadaan howlgallo joogto ah oo ka dhan ah firxadka Daacish iyo Al-Shabaab.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed