Muxuu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh oo Itoobiya ka degay Abiy Axmed?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, ayaa halkaasi kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaare, Abiy Axmed, iyada oo xog kala duwan kasoo baxayan u jeedka wadahadalka labada masuul iyo waxay ka hadleen.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa sida ay Villa Soomaaliya sheegtay diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, dhiirrigelinta iskaashiga horumarineed ee ku saleysan deris-wanaag iyo is-ixtiraam, iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

War-saxaafadeedka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xasilloonida gobolka, dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada, iyo iskaashiga heer gobol ee lagu adkeynayo nabadda iyo xasiloonida.

Sidoo kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamay in socdaalka Madaxweynaha uu la xiriiro xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland iyo khilaafka u dhexeeya madaxda maamulkaasi iyo dowladda federaalka. Ilo-wareedKA ayaa xusay in Itoobiya iyo Kenya ay muddooyinkii dambe taageero u muujiyeen maamulka Jubbaland, arrintaas oo saameyn ku yeelatay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka Addis Ababa ayaa muujinaya dib-u-soo kabasho ku timid xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo labada hoggaamiye ay abuureen jawi saaxiibtinimo iyo is-faham cusub oo laga filayo inuu horseedo horumar iyo wada-shaqeyn mustaqbalka dhow.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed